RW Xamsa oo digniin adag u diray Siyaasiyiinta Mucaaradka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay dhageysiga aragtida siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda, balse aan la aqbali karin wax kasta oo halis gelin kara amniga iyo xasilloonida dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso ilaalinta nabadda iyo dowladnimada, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay door muuqda ka qaataan xoojinta amniga iyo wadajirka bulshada.

“Siyaasi ay madax martay shahwada xukunka yuusan si fudud u waxyeeleyn amnigaas qaaliga ah ee aan haysanno,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay wadahadal iyo dhageysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed, balse aysan aqbali doonin falal lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasilloonida dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo khilaafaadka la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo mowqifyada mucaaradka dalka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles