Ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Towfiiq, oo hoostaga magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Weerarka ayaa sababay khasaare culus oo la gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo fariisamo muhiim ah oo ay halkaasi ku lahaayeen la burburiyay.
Sidoo kale, duqeymo ayaa lagu garaacay deegaankan, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad badan.
Sheekh Cali Muuse, oo ka mid ah culimada deegaanka Nuur Dugle kana qeyb galay gurmadka, ayaa u sheegay Warbaahinta Risaala in kooxda Al-Shabaab lagu jabiyay weerarka, islamarkaana dhaq-dhaqaaqyo amni ay saaka ka socdaan deegaanno dhowr ah oo ku teedsan aagga la weeraray.


