Turkiga oo sheegay inuu adkeynayo taageerida Milateri ee uu siiyo Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si cad u muujiyay sida dalkiisu uga go’an tahay taageerada uu siiyo Soomaaliya, isagoo wareysi uu siiyay majalladda Jeune Afrique ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Turkigu ka ciyaarayo la-dagaallanka argagixisada iyo xoojinta amniga dalka.

Wasiir Fidan ayaa ku tilmaamay Soomaaliya dal istiraatiiji ah oo muhiim u ah istaraatiijiyadda Turkiga ee gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay in Ankara ay ka go’an tahay inay ka taageerto nabadeynta, dib-u-dhiska, iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay xiriirka labada dal, ayuu sheegay inuu yahay mid qoto dheer oo istiraatiiji ah, islamarkaana Turkigu uu sii wadi doono taageerada dhinacyada difaaca, gargaarka bani’aadantinimo, iyo horumarinta dhaqaalaha. Wuxuu sidoo kale xusay in Turkigu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo xoojiyo awoodda ciidamada iyo hay’adaha sirdoonka.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dhowaan Turkigu uu shaaciyay heshiis cusub oo iskaashi difaac ah oo uu la galay Soomaaliya. Heshiiskaasi waxa uu ka kooban yahay tababarka ciidamada, dhismaha kaabayaal ciidan, iyo bixinta qalab muhiim u ah dagaalka lagula jiro argagixisada.

Taageerada joogtada ah ee Turkiga ayaa noqotay tiir-dhexaad muhiim u ah dadaallada Soomaaliya ay ugu jirto xasillooni buuxda, iyadoo Ankara ay noqotay saaxiib istiraatiiji ah oo la isku halleyn karo.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles