Monday, August 10, 2026

Kulanka Golaha Shacabka ee BFS oo maanta Baaqday iyo cabsi laga qabo mooshino

Maanta oo Sabti ah, waxaa baaqday kulankii caadiga ahaa ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee keentay baaqashada kulankaasi ay tahay cabsi laga qabo mooshin laga keeno qaar ka mid ah madaxda sare ee dalka, waxaana arrintan abuurtey walaac iyo dareen siyaasadeed oo horseeday in kulanka maanta aan la qaban.

Dhinaca kale, waxaa la filayaa in todobaadkan uu noqdo kii ugu dambeeyay ee fadhiyada Golaha Shacabka, maadaama ay foodda nagu soo hayso munaasabadda Ciidul Adxaa oo maalmo kooban ay naga xigaan. Sidaas darteed, fadhiyada rasmiga ah ayaa lagu wado in la joojiyo si xildhibaanadu ugu baxaan fasaxa ciidda.

Arrintan ayaa imaneysa iyadoo khilaafaad siyaasadeed oo hoose uu dhexeeyo guddoonka iyo xildhibaanada iyo madaxda Sare ee dowaldda, waxaana loo arkaa in mooshinku noqon karo mid saamayn ku yeesha xasiloonida hay’adaha dowladda, hadii uu si rasmi ah u dhacdo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 08 2026.

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo diidday qorshaha Trump ee 15-ka qodob ka kooban ee Gaza, sida uu sheegay Netanyahu

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday qorshaha 15-ka...

Bogga hoggaamiyaha Iran oo lagu sheegay in ay kulmeen Mojtaba Khamenei iyo Masoud Pezhakian

Bogga internetka ee Hoggaamiyaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ayaa sheegay...

Wasiir Fiqi oo la kulmay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan...

Pakistaan oo War ka soo saartay halka ay marayo sii deynta shaqaale lagu haysto Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay socdaan...

Cumaan oo sheegtay in wadahadallada ku saabsan Hormuz ay meel fiican marayaan

Cumaan ayaa sheegtay in wadahadallo wanaagsan ay la yeelanayeen...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles