Dagaal xooggan oo saaka ka socda deegaan hoostaga degmada Ceelbuur

Dagaal xooggan ayaa saaka ka qarxay deegaanka Meersiis oo ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud halkaas oo ay ku dagaalamayaan beelo wada dega deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalintii shalay afarta qof oo xoolo dhaqato ah lagu dilay deegaanka Tuke-gaw oo ku dhow goobta uu dagaalku ka socdo.

Dadka la dilay ayaa kasoo jeeday mid kamid ah beelaha maanta dirirtu u dhexeysa

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, mana jirto xog rasmi ah oo laga helayo khasaaraha rasmiga ah sababo la xiriira isgaarsiinta deegaanka oo aad u liidata.

Sidoo kale xalay fiidkii ayaa weerar kale oo ka dhacay isla deegaanka Meersiis sababay dhimasho iyo dhaawac taas oo keentay in xiisadda ay cirka isku shareerto oo uu saaka dagaalku dib uga qarxo deegaankaasi.

Ma jiro faahfaahin ka soo baxay maamulka Gobolka Galgaduud iyo Galmudug.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles