Wararka ka imaanaya gobalka Baay gaar ahaan magaalada Baydhabo waxaa ay sheegayaan in arornimadii saakay uu dagaal ka dhacay aaga Deynuunay oo maalmahaan ay ka jireen dhadhaqaaqyo ciidan.
Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday deegaanka Burjeed ee gobolka Baay, oo halkaasi ay saldhig ku leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Daraawiishta ee Koofur Galbeed.
Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lasoo wariyay inay guuloka gaareen ciidamada huwanta, waxaana la jabiyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.
Ku dhowaad 20 Shabaab ah ayaa lagu dilay dagaalka, waxaana jira khasaare kale oo dhaawacyo oo la gaarsiiyay Shabaabkii weerarka soo qaaday, sida ay sheegeen laamaha amniga Koonfur Galbeed.
Maydadka xubnaha Al-Shabaab ee lagu laayay aagga deegaanka Daynuunay ayaa la geeyay gudaha magaalada Baydhaba, iyada oo lagu soo bandhigay fagaare ku yaalla magaaladaas oo ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne ah.