Ciidanka DFS oo howlgal culus ka fuliyay degmada Jilib

Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Far-Shabeel oo hoos taga degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalkan oo si taxaddar leh loo abaabulay ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al‑Shabaab, iyadoo ciidamadu ay ku guuleysteen inay burburiyaan fariisimo ay kooxdaasi ku lahayd deegaankaas.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan ee gobolka Jubbada Dhexe.

Degmada Jilib ayaa muddooyinkii u dambeeyay martigelisay howlgallo iyo duqeymo isdaba joog ah oo lagu bartilmaameedsanayo horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda, iyadoo lagu tilmaamo mid ka mid ah saldhigyada ugu muhiimsan ee Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in howlgal gaar ah oo ka dhacay Jilib 10-kii Diseembar 2025 lagu dilay Cabdullaahi Cismaan, oo loo yaqaanay “Injineer Ismaaciil”, kaasi oo ahaa madaxii qaybta qaraxyada ee Al-Shabaab, isla markaana door weyn ku lahaa weerarro badan oo qaraxyo ah.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

Duqeymo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay...

Iiraan oo shaacisay war cusub oo la xiriira wafti tagaya Tehran

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Ismaaciil Bagaei, ayaa...

Sacuudiga oo war ka soo saaray weerarada Xuutiyiinta

Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Xuutiyiinta Yemen ay isku...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles