saddex qof oo ku dhintay weerar ka dhacay meel u dhaw dhismaha qunsuliyadda Israaill ee magaalada Istanbul

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay, halka laba askari oo boolis ah ay ku dhaawacmeen kadib weerar ka dhacay meel u dhaw dhismaha qunsuliyadda Israaill ee magaalada Istanbul, sida ay qoreen warbaahinta Turkiga.

Muuqaallo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa muujinaya askari boolis ah oo bastoolad la baxaya islamarkaana gabaad ka dhiganaya meel u dhow goobta,

iyadoo la maqlayo dhawaqa rasaas isdaba joog ah.

Sidoo kale, hal qof ayaa lagu arkay isagoo dhiig ku daadanayo goobta dhacdadu ka dhacday.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in weerarka uu si lama filaan ah uga dhacay meel xasaasi ah, taas oo keentay in si degdeg ah loo adkeeyo ammaanka aaggaas.

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysay weerarka, mana cadda sababta rasmiga ah ee falkaasi.

Mas’uuliyiinta Turkiga weli kama aysan bixin war rasmi ah oo faahfaahsan, waxaana socda baaritaanno lagu ogaanayo xaqiiqada dhacdada.

WARARKII KALE

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

Duqeymo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay...

Iiraan oo shaacisay war cusub oo la xiriira wafti tagaya Tehran

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Ismaaciil Bagaei, ayaa...

Sacuudiga oo war ka soo saaray weerarada Xuutiyiinta

Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay in Xuutiyiinta Yemen ay isku...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles