Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego) ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Aljeeriya Marwo Salma Bakhta Mansuuri.
Kulankan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed, iskaashiga dhaqaale, amni iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Sida oo kale, labada dhinac waxay kawada hadleen sida ay uga go’an tahay iskaashi wax-ku-ool ah, iyo sida Dowladda Aljeeriya ay si buuxda uga qeyb qaadan karto dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaalanka ururrada argagixisada.
Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in dhawaan loo tababari doono diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles