Wednesday, June 24, 2026

Danjiraha Soomaaliya ee Aljeeriya oo la kulmay wasiir dowlaha arrimaha dibadda dalkaas

Danjiraha dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya danjire Yusuf Axmed Xasan (Yusuf Jeego) ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Aljeeriya Marwo Salma Bakhta Mansuuri.
Kulankan ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta xiriirka istiraatiijiyadeed, iskaashiga dhaqaale, amni iyo sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo xasilloonida guud ahaan gobolka Geeska Afrika.
Sida oo kale, labada dhinac waxay kawada hadleen sida ay uga go’an tahay iskaashi wax-ku-ool ah, iyo sida Dowladda Aljeeriya ay si buuxda uga qeyb qaadan karto dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la dagaalanka ururrada argagixisada.
Ugu dambeyn, waxaa la isla qaatay in dhawaan loo tababari doono diblomaasiyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Iran iyo Cumaan oo soo saaray hadal wadajir ah oo ku saabsan marinka Hormuz

Iran iyo Cumaan ayaa bayaan ay si wadajir ah...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo xirtay dhageysiga Kiiska Sacdiya Bajaaj iyo xukunka oo la sugayo

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dhageysiga dacwadda...

DFS oo war ka soo saartay colaada ka taagan Sool

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Al-Shabaab oo weerar ku qaadday Saldhigga ku yaala Mandera

Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero...

Soomaaliya oo soo dhoweysay Isfahamka u Dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles