Tuesday, March 3, 2026

Dawladda Pakistan oo sheegtay inay la safantahay Iiraan oo wajahaysa weeraro kaga imaanaya Israa’iil

Dagaal xooggan oo dhinaca cirka ah, ayaa ka dhax qarxay milatariga dowladaha Israa’iil iyo Iran, waxaana cabsi badan laga qabaa in dagaalka faraha kasii baxo kuna sii faafo gobolka iyo meelo kale oo kasii baxsan.

Israa’iil waxaa duullaanka ay ku qaad3”een Iran garab ku siinaya Mareykanka , UK iyo dowlado kale oo reer Galbeed ah, kuwaa oo si hoose iyo si toos ahba garab ugu siinaya ciidamada Israa’iil duullaanka ay qaadeen dalka Iran.

Dowladda Pakistan oo kamid ah dowladaha Islaamka ee ku hubeysan hubka nukliyeerka , ayaa si toos ah shaaca uga qaaday in ay garab taagan tahay dowladda Iran oo ay sheegtay in lagu qaaday weerar aan laga fiirsan oo gardarro ahaa.

Wasiirka Difaaca dalka Pakistan Khawaja Asif oo maanta la hadlay golaha amniga ee dowladda Pakistan ayuu ku caddeeyay in dowladiisa garab taagan tahay dowladda Pakistan uu sheegay in duullaan dulmi ku dhisan lagu qaaday.

“Israa’iil waxay bartilmaameedsanaysaa Yemen, Iran, iyo Falastiin… Xaaladdan oo dhan, Isra’iil keligood ma dhaqaaqayaan, waxaa jira quwaddo kale oo garab siinaya — Haddii dunidda Islaamka aysan hadda midoobin, dhammaanteen waxaan la kulmi doonnaa isla masiirkaas.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Pakistan.

Wasiirka Difaaca dowladda Pakistan, ayaa si aan gambasho laheyn  u sheegay in xilligan adag ay garab taagan yihiin walaalahooda Iran, isaga oo intaa ku daray in xanuunka iyo murugada la dareemayaan walaalahooda reer Iran.

“Xilligan adag, Pakistan waxay Iran u garab taagan tahay si buuxda oo dhan kasta ah. Waxaan difaaceynaa danaha Iran. Dadka Iiraan waa walaalaheenna, xanuunkooda iyo murugadoodana waan wadaagnaa.” Ayuu yiri Wasiirka Difaaca Pakistan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles