Dawladda UK oo maanta la filayo inay ku dhawaaqdo tallaabo ka dhan ah israa’iil iyo Israa’iil oo ka digtay

Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain, Ed Miliband, ayaa la filayaa inuu Talaadada maanta baarlamaanka u soo bandhigo tallaabooyinka cusub ee dowladda, kuwaas oo ay ku jiri karaan xayiraado lagu soo rogo ganacsiga badeecooyinka beeraha ee laga keeno deegaannada ay Israa’iil ka sameysatay Daanta Galbeed.

Toddobaadkii hore, Miliband ayaa sheegay inuu soo bandhigi doono “dib-u-habayn dhammaystiran” oo lagu sameynayo siyaasadda dowladda Britain ee ku aaddan Israa’iil.

Dowladda Israa’iil ayaa hore uga digtay Britain inay ka aargudan doonto haddii la soo rogo tallaabooyin cusub.

Degsiimooyinka Israa’iil ee Daanta Galbeed ayaa sharciga caalamiga ah loo arkaa kuwo sharci-darro ah, iyadoo bilihii u dambeeyay ay kordheen falalka rabshadaha ah ee ay dadka deggan deegaannadaas u geystaan Falastiiniyiinta ku nool Daanta Galbeed.

Wasiir ka tirsan dowladda Britain ayaa sheegay:”Hadalkani wuxuu noqon doonaa dib-u-habayn buuxda oo ku saabsan qaabka xiriirkayaga Israa’iil iyo Falastiin. Wax walba waxay u muuqan doonaan si aad uga duwan sidii hore.”

Wuxuu intaas ku daray: “Arrintu kuma koobna oo keliya cunaqabateyn, waxaan rajaynaynaa in tani ay ugu dambayn keento natiijadii ay labadii sano ee la soo dhaafay dadka ka shaqaynayay arrimaha Bariga Dhexe doonayeen inay gaaraan.”

WARARKII KALE

Dood ka taagan xubinta cusub ee ururada Bulshada ee guddiga doorashada

Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in tartan iyo...

Laftagareen oo Hakiyay Duulimaadyada Ciidamada iyo Agabka Ciidan ee Baydhabo

Xubnaha taabacsan madaxweynihii hore ee KGS Cabdicasiis Laftagareen ayaa...

Muwaadiniinta u dhashay Burundi oo durbaba bilaabay inay ka baxaan Kenya

Boqolaal muwaadiniin ah oo u dhashay dalka Burundi oo...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 07 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo ballanqaadday in dib loo dhisi doono buundada Baardheere

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sahal...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles