Sunday, January 25, 2026

Deni oo kulan la qaatay Taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska

Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Gaarka ah ee Wadamada Maraykanka iyo Ingiriis-ka ee Bariga Africa, Col Ryan flaherty iyo Col Rich Grover oo ay weheliyaan Saraakiil sarsare.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan amniga iyo la dagaalanka Argagixisada, waxaa kaloo si gaar ah looga hadlay guulaha laga gaaray Hawlgallada gebagebada maraya ee Argagixisada Daacish looga sifaynayo Calmiskaad iyo xoojinta Iskaashiga guud ee la dagaalanka Argagixisada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa Maraykanka iyo Ingiriiska uga mahadceliyay, sida ay Dowladda iyo Shacabka Puntland uga taageereen in Hawlgalka Calmiskaad Guuleysto.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Wakiilka arrimaha Siyaasadda iyo Xiriirka Caalamka Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

WARARKII KALE

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa...

Baarlamaanka Carabta oo markale garab istaag u muujiyay Yemen iyo Soomaaliya

Baarlamaanka Carabta ayaa ku dhawaaqay inuu qaadayo tallaabooyin siyaasadeed...

Somaliland oo aqbashay in deegaanada la keeno Malleeshiyo hubeysan iyo qoyskooda oo la shaqeyn jiray ISRL

Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Somaliland ay ogolaatay in...

Puntland oo shaacisay tirada Ciidamada DFS ee ku sugan Deegaannadeeda

Puntland ayaa markii ugu horreysay shaacisay tirada ciidamada Dowladda...

Ilhan Cumar oo si adag ugu hadashay dil ay geysteen ICE

Xaaladda Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa ka sii...

Trump oo digniin u diray Canada

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu 100%...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles