Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro ay fuliso Iran, iyadoo soo direysa diyaarado aan duuliye lahayn (drones) marka dagaalku bilowdo.

Digniin la soo saaray dhammaadkii Febraayo ayay hay’addu ku sheegtay in Tehran ay ku aargudan karto weerarrada Mareykanka iyadoo beegsan karta xarumo ku yaala gudaha Mareykanka.

War qoraal ah oo loo diray Waaxyaha booliska ee California oo ay warbaahinta Mareykanku baahiyeen ayaa waxaa ku qornaa “weerar lama filaan ah oo lagu fulin karo diyaarado aan duuliye lahayn, kuwaas oo laga soo ridi karo markab aan la aqoonsan oo ku sugan xeebaha Mareykanka, laguna beegsan karo bartilmaameedyo aan si gaar ah loo cayimin oo ku yaalla gobolka,” sidaas waxaa sheegtay ABC News.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta u sheegay wariyeyaasha inuusan ka walaacsanayn weerarro ay Iran taageerto oo ka dhaca gudaha Mareykanka.

Inkastoo aan la ogeyn sida Iran u fulin karto weerar noocaas ah, haddana Ruushka ayaa bilihii la soo dhaafay lagu eedeeyay inuu isticmaalo maraakiibtiisa qarsoon ee qaada shidaalka si uu uga soo tuuro drones ku wajahan kaabayaasha milatari iyo kuwa rayidka ee Yurub.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerar xooggan oo Ukraine ku qaaday Ruushka

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, lix kalena...

Duqeymo ka dhacay Duleedka Baydhabo

Warar laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay...

Iiraan oo shaacisay war cusub oo la xiriira wafti tagaya Tehran

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran Ismaaciil Bagaei, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles