Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel ay qorsheynayso inay saldhig ama xarun istaraatiiji ah ka samaysato meel u dhow magaalada Berbera ee dhulka Somaliland, si ay ula socoto isla markaana uga hortagto dhaqdhaqaaqyada kooxda Houthis ee dalka Yemen.

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in qorshahan uu soo baxay xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka jira gobolka, gaar ahaan colaadda u dhexeysa Israel, United States iyo Iran, taas oo saameyn ku yeelatay marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Sida lagu sheegay warbixinta, sanadkii hore ayaa la sheegay in koox khubaro amni ah oo ka socotay Israa’iil ay booqdeen xeebaha Somaliland si ay u sahamiyaan goob ku habboon xarun militari.

Mid ka mid ah meelaha la tixgelinayo ayaa lagu sheegay dhul sare oo qiyaastii 100 kiiloomitir galbeed ka xiga Berbera, halkaas oo ay ku dhowdahay deked ay maamusho shirkadda DP World iyo garoon diyaaradeed oo milatari.

Falanqeeyayaal amni ayaa sheegay in haddii qorshahan uu hirgalo, ay sii xoogeysan karto loollanka istaraatiijiga ah ee ka jira Geeska Afrika, gaar ahaan kan u dhexeeya Israel iyo Turkey, iyadoo Turkigu uu taageero dowladda Somalia.

Sidoo kale, arrintan ayaa muujinaysa sida gobolka Geeska Afrika uu u noqday goob ay ku loolamayaan quwadaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha la xiriira amniga badda iyo ganacsiga caalamig

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles