Tuesday, March 3, 2026

DF oo burburisay gaadiid qaraxyo ah oo Al-shabaab ay ku diyaarinayeen Aadan Yabaal

Diyaarado dagaal ayaa xalay waxaa ay duqeymo ka fuliyeen saldhigyo maleeshiyaad Al-shabaab ay ku leeyihiin degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Duqeynta lala beegsaday gaadiid dagaal oo Al-shabaab u yaala degmada Aadan Yabaal, kuwaasi la sheegay in maleeshiyada ay qaraxyo ku diyaarinayeen degmadaasi.

War ka soo baxay Dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in duqeynta ka dhacday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelada Dhexe lagu  burburiyay gaadiid qaraxyo lagu diyaarinayay degmadaasi.

Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay in la burburiyay goob ay Al-shabaab Hub ku keysan jireen eek u yaala degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Duqeyntan ayaa imaanaysa xili dhawaan degmada Aadan Yabaal ka dhacday duqeyn lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles