Mareykanka oo weeraray Iran iyo Wararkii ugu dambeeyay

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kaasi oo sii xoogeystay, kadib markii Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka, gaar ahaan kuwa xambaara bambooyinka tankooda weyn yahay ee B-2 ay weerar dhinaca cirka ah ku qaadeen xarumo muhiim ah oo kuyaalla dalka Iran.

Weerarka Mareykanka ayaa lagu qaaday saddex kamid ah xarumaha nukliyeerka ee dowladda Iran, kuwaasi oo kala ah FORDO, Nadanza iyo Asfahaan , inkastoo horey Dowladda Iran ay  xarumaha nukliyeerka ee la weeraray ka qaaday hubka nukliyeerka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay duqeeyeen xarumaha Nukliyeerka Iran, isagoo la hadlay Warbaahinta Trump ayaa sheegay in weerarka laga gaarey ujeedkii laga lahaa, iyadoo dhammaan diyaaradaha Mareykanka ay ka baxeen hawada Iran, Waxa uu sheegay in Iran laga doonayo nabad, isla markaasna la filan karo weeraro kale.

Dhinaca kale, Dowladda Irn ayaa sheegtay in xarruumaha Nukliyeer ee Mareykanka duqeeyay aysan shaqo ka socon muddo bilooyin ah, lagana raray qalabka iyo shaqaalihii ku sugnaa halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in IRAN ay saaka Gantaalo ku weerartay magaalooyinka Israa’iil, kuwaasi oo gaaraya ilaa 40 Gantaal, waxaa ayna ku dhaceen magaalooyinka  Xeyfa iyo Tal–biib hareeraheeda, waxaa muuqanaya burburka ay geysteen.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku waramaysa in weerarkan saaka uu ahaa midkii ugu cuslaa  ee ay |ran ku qaado magaalooyinka waa weyn, waxaana la sheegay in  400 goob hal mar toos loo weeraray.

Inta la xaqiijiyay 25 qof ayaa soo gaaray dhaawac culus, iyadoona la dhigay isbitaalada, iyadoona ay socdaan gurmad xoog leh oo loo sameynayo dadka ku dhaawacmay weerarka ay Iran qaaday.

Sidoo kale Inka badan 50 Markab oo Shidaalka qaada ayaa raadinaya qaab ay kaga baxsadaan MARINKA Hormuz, halkaasi oo ah marin muhiim ah.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles