Sunday, August 16, 2026

Mareykanka oo weeraray Iran iyo Wararkii ugu dambeeyay

Mareykanka ayaa toos ugu biiray dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran, kaasi oo sii xoogeystay, kadib markii Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka, gaar ahaan kuwa xambaara bambooyinka tankooda weyn yahay ee B-2 ay weerar dhinaca cirka ah ku qaadeen xarumo muhiim ah oo kuyaalla dalka Iran.

Weerarka Mareykanka ayaa lagu qaaday saddex kamid ah xarumaha nukliyeerka ee dowladda Iran, kuwaasi oo kala ah FORDO, Nadanza iyo Asfahaan , inkastoo horey Dowladda Iran ay  xarumaha nukliyeerka ee la weeraray ka qaaday hubka nukliyeerka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada dalkaasi ay duqeeyeen xarumaha Nukliyeerka Iran, isagoo la hadlay Warbaahinta Trump ayaa sheegay in weerarka laga gaarey ujeedkii laga lahaa, iyadoo dhammaan diyaaradaha Mareykanka ay ka baxeen hawada Iran, Waxa uu sheegay in Iran laga doonayo nabad, isla markaasna la filan karo weeraro kale.

Dhinaca kale, Dowladda Irn ayaa sheegtay in xarruumaha Nukliyeer ee Mareykanka duqeeyay aysan shaqo ka socon muddo bilooyin ah, lagana raray qalabka iyo shaqaalihii ku sugnaa halkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in IRAN ay saaka Gantaalo ku weerartay magaalooyinka Israa’iil, kuwaasi oo gaaraya ilaa 40 Gantaal, waxaa ayna ku dhaceen magaalooyinka  Xeyfa iyo Tal–biib hareeraheeda, waxaa muuqanaya burburka ay geysteen.

Warbaahinta Israa’iil ayaa ku waramaysa in weerarkan saaka uu ahaa midkii ugu cuslaa  ee ay |ran ku qaado magaalooyinka waa weyn, waxaana la sheegay in  400 goob hal mar toos loo weeraray.

Inta la xaqiijiyay 25 qof ayaa soo gaaray dhaawac culus, iyadoona la dhigay isbitaalada, iyadoona ay socdaan gurmad xoog leh oo loo sameynayo dadka ku dhaawacmay weerarka ay Iran qaaday.

Sidoo kale Inka badan 50 Markab oo Shidaalka qaada ayaa raadinaya qaab ay kaga baxsadaan MARINKA Hormuz, halkaasi oo ah marin muhiim ah.

WARARKII KALE

Madaxweyne Xasan Safar Dhulka ah Ku Gaaray Degmada Cadaado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Guddoomiye Jaamac oo la kulmay Xildhibaanada Mucaaradka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Taliska NISA oo sheegay in howlgal ka dhacay Hiiraan lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab (Copy)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

MW Xasan Sheekh oo maanta tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan Miliateriga Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababar u soo xiray...

Mareykanka oo Muqdisho u soo diray Ku-xigeenka Madaxa Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Dowladda Mareykanka ayaa Ruth Anne Stevens-Klitz u magacawday Ku-xigeenka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Wajahan Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ka ambabaxaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles