Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa eedeyn culus u jeediyay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, isagoo ku eedeeyay inuu taageero kooxaha burcad-badeedda ka howlgala deegaanada Puntland.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si adag uga soo horjeeddo bixinta lacagaha madax-furashada ah ee lala xiriiriyo kooxaha burcad-badeedda, isagoo beesha caalamka ugu baaqay inaysan lacag siin kooxaha afduubka u geysta maraakiibta.
“Deni burcadda ayuu taageeraa. Caalamka waxaan leenahay lacag ha bixinina, dowladda Soomaaliyeed ayaa maraakiibta xoreyneysa. Deni ha ogaado,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay kordhisay dadaallada lagu wajahayo burcad-badeedda iyo sidii loo xoojin lahaa amniga xeebaha dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay qaaddo mas’uuliyadda badbaadinta iyo xoreynta maraakiibta lagu afduubo xeebaha Soomaaliya, iyadoo aan loo baahnayn in kooxaha burcad-badeedda la siiyo lacag madax-furasho ah
Eedeynta uu Wasiir Fiqi u jeediyay Madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaysa xilli xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland uu weli yahay mid ay ka dhex jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo amni.
Dhinaca kale, Puntland ayaa horey u sheegtay inay dagaal kula jirto kooxaha burcad-badeedda iyo kooxaha hubeysan ee ka howlgala xeebaha, iyadoo mas’uuliyiinta maamulkaasi ay marar badan beeniyeen eedeymaha la xiriira taageeridda burcad-badeedda.


