DFS oo Dhaqan gelisay Nidaamka Badda ee ECTN iyo Somaliland oo ka horyimid

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa soo saartay amar ku socda dhammaan maraakiibta iyo gaadiidka kale ee soo galaya Badda Soomaaliya, kaasi oo la xiriira fulinta nidaamka cusub ee ECTN (Electronic Cargo Tracking Note).

Nidaamkan ayaa waajib ka dhigaya in maraakiibta imaaneysa gudaha dalka si adag loo hubiyo, iyadoo si gaar ah loo eegi doono alaabaha ay sidaan.

Sida ku cad waraaqda rasmiga ah ee kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Dekedaha, waxaa la faray dhammaan ganacsatada iyo shirkadaha ku lugta leh dhoofinta iyo soo dejinta badeecadaha inay si buuxda u gutaan shuruudaha nidaamka ECTN.

Rarka ka imanaya dalalka caalamka waa in ay horay u soo gudbiyaan macluumaadka saxda ah, isla markaana ay helaan ECTN kahor inta aan badeecadaha lagu dejin ama looga dhoofin dekedaha Soomaaliya.

Alaab kasta oo aan haysan ECTN sax ah looma oggolaan doono inay ku soo xirato dekedaha dalka, iyadoo lagu soo rogi doono ganaaxyo iyo xannibaadyo, sida ku xusan bayaanka Wasaaradda.

Xukuumadda Somaliland ayaa si cad uga horyimid nidaamka maamulka badaha ee DFS, iyadoo ku dhawaaqday nidaam u gaar ah oo lagu magacaabo ECTNSL, kaas oo lagu maamuli doono markab kasta ama doon kasta oo badeecad u sida Dekedda Berbera.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland, Axmed Cali Diiriye, ayaa sheegay in Somaliland aysan aqbalayn ECTN-ka DFS, isagoo yiri:
“Dowlad aan Somaliland ahaynina kuma talin karto, kamana fulin karto sharci ama nidaam maamul oo khuseeya maaraynta dekedaha iyo badaha Somaliland.”

Somaliland iyo Puntland ayaa horay uga hortagay nidaamka socdaalka hawada ee DFS, hase yeeshee Puntland weli kama aysan hadlin go’aannada cusub ee ku saabsan maamulka iyo cashuuraha badeecadaha badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, arrin ay Somaliland hadda si toos ah u diiday.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 23 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxaa ka soo baxay Wadahadallada u dhexeeyey Guddoomiye Jaamac iyo Xildhibaanno Mucaaradka

Waxaa soo gabagaboobay wadahadallo u dhexeeyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka...

Sheekh Shariif oo Cambaareeyay Howlgalka Yaaqshiid“Boqolaal qoys ayaa la Barakiciyay”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Maxay ka wadahadleen Fiqi iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta...

Aadan Madoobe oo weerarkii Baydhabo kadib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada

Hoggaamiyaha Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Kheyre oo si u weeraray Xasan Sheekh Kadib dhacdadii Yaaqshiid

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles