Duqeymo Mareykanka ka fuliyay Gobolka Bari oo lagu bartilmaameedsaday Daacish

Diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ayaa xalay duqeymo culus ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari ee Dowlad-Goboleedka Puntland, kuwaas oo wararka hordhaca ahi sheegayaan inay saldhigyo iyo difaacyo ku lahaayeen kooxaha Daacish.

Duqeymaha oo dhacay habeenimo ayaa lagu garaacay goobo istiraatiiji ah oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish, kuwaas oo muddooyinkii dambe isku hor-fadhiyay Ciidamada Difaaca Puntland, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka.

Weerarka ayaa ahaa mid isdaba-joog ah, isla markaana lagu bartilmaameedsaday difaacyada Daacish ee ku yaalla togga Baalade, halkaas oo Puntland ay ka waddo wajiga ugu dambeeya ee howlgalka ka dhanka ah kooxda, gaar ahaan gudaha buuraha Calmiskaad.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaan weli ka hadlin duqeyntan, balse waa duqeyntii labaad ee muddo kooban lagu beegsado xubno ka tirsan Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.

Howlgalka Puntland ay ka waddo Baalade iyo Calmiskaad ayaa loo arkaa mid ka mid ah dadaallada ugu xooggan ee lagu wiiqayo awoodda Daacish ee woqooyi-bari Soomaaliya.

WARARKII KALE

Golaha Mustaqbalka oo qaadaya tallaabo ka dhan ah Xasan Sheekh

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan...

TPLF oo diiday in weerarrada xarumaha milatari lagu tilmaamo falal argagixisanimo

Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayaa sheegtay inaysan aqbalayn...

Trump oo oggolaaday kulan saddex geesood ah oo uu la yeesho Putin iyo madaxweynaha Shiinaha

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu oggol yahay...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 19 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

 Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle oo la shaaciyay

Jadwalka doorashada Guddoonka golaha wakiilada Hirshabele iyo hogaamiyaha iyo...

Maxkamadda Sare ee dalka oo ansixisay natiijada doorashadii isku sidkaneed ee ka dhacday deegaannada maamulka Hirshabeelle

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ansixisay natiijada doorashadii isku...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles