Tuesday, April 14, 2026

Dowladda Soomaaliya oo ka qayla dhaamisay khayraadkii dalka oo la dal-dalanayo

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkado ajaanib ah iyo kuwo maxalli ah ay ku howllanyihiin dal-dalashada qaybo ka mid ah khayraadka dalka Soomaaliya si gaar ah Macdanta dalka.

Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Soomaaliya ayaa sheegtay in siyaabo sharci darro ah loo qaadanayo khayraadka taasoo ay hadda uga digayaan ajaanibta iyo muwaadiniintaba.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee dowladda Federaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamad, ayaa muujiyay in muddooyinkii la soo dhaafay ay soo badanayeen shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku howllan arrintaan.

“Wax aan indhaha laga qarsan karin ayaa dalka qaybo ka mid ah ka socda oo khayraadkii dadka iyo dalku lahaa ayaa la dal-dalnayaa iyadoo loo marayo dad wax magarata ah,” ayuu yiri wasiir Daahir.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalku ay dalka mas’uul uga tahay arrimaha ku saabsan khayraadka dalka, isla markaana ay iyada oo kaliya fasixi karto maaama sidaa sharcigu oronayo.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 04 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Qatar oo beenisay inay Iran kala hadashay inay lacag ku bixiso joojinta weeraradeeda

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar, Majid Al-Ansari, ayaa...

Madaxweyne hore Farmaajo oo sheegay in dalku marxalad halis ah wajahayo

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa...

Netanyahu oo ka hadlay Marinka Hormuz ee xayiraaddu saarantahay

Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in Israa'iil ay taageeri doonto...

Madaxweyne Cirro oo sheegay in dalal kale ay aqoonsan-doonaan Somaliland

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in Israa’iil ay tahay dowladdii...

Muddo xileedka BFS oo maanta ku eg iyo mucaaradka oo abaabul bilaabaya

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee 11-aad ayaa maanta si rasmi...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles