Thursday, June 25, 2026

DFS oo ka hadashay Markab hubka sida oo ay qabatay Puntland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed rasmi ah ku cambaareysay afduubka iyo xadgudubka lagu sameeyay markabka SEA WORLD oo wata calanka Jasiiradda Comoros, kaasi oo qabatay Puntland, kuna sii jeeday Dekedda Muqdisho isaga oo siday qalab ciidan loogu talagalay Xarunta Tababarka Ciidamada ee TÜRKSOM.

DFS ayaa sheegtay in falka lagu afduubtay markabka uu ahaa mid si toos ah u dhaawacaya madax-bannaanida dalka, islamarkaana lagu xadgudbay Dastuurka KMG ah, iyadoo kooxaha falkaas geystay lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin dowlad-goboleedka Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa xusay in falkaasi uu jebinayo shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS – 1982), waxaana lagu tilmaamay burcad-badeednimo sharci darran ah.

Dowladda Federaalka waxay:-

  1. Dalbatay in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo markabka, maadaama uu sido shixnad sharci ah oo loogu talagalay difaaca qaranka.
  2. Uga digtay Puntland in ay sii waddo howlgalka sharci darrada ah ee xeebaha hoos yimaada maamulkaas, iyadoo ku baaqday wada-shaqeyn iyo ixtiraam buuxa oo laga muujiyo dowladda dhexe.
  3. Caddeysay in ay ka go’an tahay la dagaallanka falalka burcad-badeednimo, iyo maxkamadeynta cid kasta oo ka dambeeysa falal amni-darro ah oo lagu beegsado maraakiibta ku socda badda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, DFS ayaa dowlad-goboleedyada ugu baaqday in ay ixtiraamaan waajibaadka dastuuriga ah ee ku saabsan difaaca iyo maareynta badaha dalka, iyadoo ka digtay faragelin kasta oo aan sharci ahayn oo khatar gelinaysa amniga qaranka iyo gobolka

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 06 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Mareykanka oo shaaciyay inuu ku guuleystay tijaabadda gantaalka casriga ah ee Golden Dome

Maraykanku wuxuu markii ugu horreysay tijaabiyay nidaamka difaaca gantaallada...

Puntland oo Mamnuucday Hubka iyo Ciidamada Aan Ka tirsaneyn Nidaamka Maamulka

Maamulka Puntland ayaa ka digay waxa uu ku tilmaamay...

RW Xamsa oo gaaray Dhuusamareeb

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb...

DFS oo waddo qorshaha doorashooyinka Galmudug iyo Xamse oo ku Wajahan Dhuusamareeb

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dardar gelinayso...

Bariga Liibiya oo Xayiraad Kusoo Rogay Muwaadiniinta Soomaaliya iyo Saddex Dal oo Kale

Dowladda Bariga Liibiya ayaa ku dhawaaqday inay mamnuucday gelitaanka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles