DFS oo ka Hadashay weerarkii lagu qaaday Guriga Taliye Shub ee Doolow

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay wararka sheegaya in duqeyn cirka ah lagu qaaday guriga Taliye Shub oo ku yaalla degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa sheegtay in dhacdada ay ka dhalatay qarax gudaha ah, iyadoo dowladda ay caddeysay in aysan wax lug ah ku lahayn dhacdada.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in xogta hordhaca ah ee ay hayso hay’adaha amniga muujineyso in qaraxu ka dhashay waxyaabo qarxa oo lagu diyaarinayay gudaha guriga.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay si degdeg ah u sameynayso baaritaan dhab ah oo dhammeystiran, si loo xaqiijiyo sababta dhabta ah ee dhacdada, iyadoo ballanqaadday in natiijada baaritaanka lala wadaagi doono shacabka.

Doolow ayaa ka mid ah deegaanada muhiimka u ah amniga iyo isku-socodka gobolka Gedo, waxaana dowladda ay sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda magaalada iyo badqabka shacabka ku nool.

WARARKII KALE

Sheekh Shariif oo DF ku eedeeyay duqeyntii lala beegsaday guriga Taliye Mahad ee Doolow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa...

Khayre oo Cambaareeyay Weerarkii lagu qaaday guriga Janaraal Mahad ee Doolow

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa...

Q.M oo Soomaaliya ku dartay liiska dalalka laga weeraray Suudan

Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay waxay magaalada...

 Xildhibaan Odawaa muxuu ka yiri duqeyntii lala beegsaday Taliye Shub

Xildhibaan Cabdi raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa si kulul...

Kooxda Lafta gareen oo Turkiga ku eedeeyey duqeyntii Doolow

Wasiirkii hore Warfaafinta Koofur Galbeed, garabka Cabdicasiis Laftagareen, ayaa...

Duqeyn lala beegsaday Taliye Shub

Taliyihii hore ee Asluubta Soomaaliya, Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan “Shub”...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles