DFS oo ka hortageysa Bannaanbaxa Mucaaradka

Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorsheyaal amni oo looga hortagayo bannaanbax weyn oo berri la filayo inuu ka dhaco caasimadda, kaas oo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin mucaarad ah.

Laamaha ammaanka dowladda ayaa saacadihii lasoo dhaafay yeeshay shirar isdaba joog ah oo looga hadlayay sida loo xakameyn karo isu soo baxa mucaaradka iyo dadka taageeraya ee la filayo inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka lagu amray inay adkeeyaan amniga magaalada, islamarkaana la geeyo ciidamo dheeraad ah waddooyinka waaweyn iyo goobaha muhiimka ah ee Muqdisho, si looga hortago qalalaase amni ama rabshado ka dhasha bannaanbaxa qorsheysan.

Dhanka kale, mucaaradka ayaa iyaguna wada kulamo iyo abaabulo xooggan oo lagu dardargelinayo qabanqaabada bannaanbaxa, iyagoo taageerayaashooda ugu baaqaya inay si weyn uga qeyb qaataan isu soo baxa.

Laamaha ammaanka ayaa sheegay inay ka hortagayaan wax kasta oo carqaladeyn kara amniga caasimadda, halka mucaaradkuna ay ku adkeysanayaan in bannaanbaxoodu yahay mid nabadeed oo lagu muujinayo aragtidooda siyaasadeed.

Xiisaddan ayaa kusoo aadeysa xilli khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka uu sii xoogeysanayo, iyadoo shacabka Muqdisho ay si weyn uga walaacsan yihiin saameynta ay xaaladdan ku yeelan karto amniga iyo dhaq-dhaqaaqa magaalada.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles