Macallin Mahdi oo Digniin Adag u Diray Mucaaradka iyo Bannaanbaxayaasha Muqdisho

Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi ayaa digniin culus u diray dadka ka aragti duwan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bannaanbaxayaasha qorsheynaya isu soo baxa ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Hadalkaan ayuu jeediyay kaddib shir amni oo ka dhacay Muqdisho, kaas oo looga hadlay xaaladda amniga caasimadda iyo dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee maalmihii dambe ka jiray magaalada.

Macallin Mahdi ayaa sheegay in aan la aqbali doonin falal lagu qalqal gelinayo amniga iyo xasilloonida Muqdisho, isagoo digniin u diray kooxaha abaabulaya bannaanbaxyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee dowladda dhaliila.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in ciidamada ammaanka ay diyaar u yihiin sugidda amniga magaalada, islamarkaana tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu tuhmo inay hurineyso khalalaase ama rabshado siyaasadeed.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo mucaaradka, kuwaas oo ku baaqay bannaanbaxyo waaweyn oo la filayo inay ka dhacaan Muqdisho maalinta beri ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Ruushka oo duqeyn ba’an ka geystay geystay Zaporizhzhia

Ruushka ayaa magaalada Zaporizhzhia ee dalka Ukraine ku weeraray...

Masar oo diyaarinaysa ciidamadii ugu dambeeyay ay u soo dirayso Soomaaliya

Warbaahinta The New Arab ayaa sheegtay in dowladda Masar...

Ciidanka Xoogga Dalka oo dib ula wareegay deegaanka Hees ee gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Qaybta 27-aad, ayaa...

KGS oo qorsheynaysa in ciidanka Lafta-gareen xoog looga saaro Qansaxdheere

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo...

Taliyihii Saldhigga booliska Xagardheere ee Kenya iyo darawalkiisii oo qarax lagu dilay

Laba askari oo ka tirsan booliska Kenya, oo uu...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles