Thursday, March 5, 2026

DFS oo saaka fureysa wadooyinka dhagaxaanta ku xiran ee Muqdisho

Munaasabadda furitaanka waddooyinkan ayaa lagu wadaa in ay si wadajir ah uga qeyb galaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Wararka ayaa sheegaya in la furi doono dhowr waddo oo muhiim ah oo ku yaalla degmooyinka bartamaha iyo waqooyiga caasimadda, kuwaas oo hore loogu xiray sababo amni darteed.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir ku doonayaan in lagu soo celiyo isku socodka magaalada, loogana jawaabo cabashooyinkii shacabka ee ku saabsanaa xirnaanshaha waddooyinka.

Waxaa la sheegay in amniga guud ee caasimadda uu si weyn u hagaagay, taas oo suurta gelisay in dowladda ay bilowdo falkan muhiimka ah oo muujinaya soo kabashada iyo kalsoonida magaalada Muqdisho.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 04 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Baarlamaanka Soomaaliya oo meelmariyey wax-ka-beddelka Dastuurka

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u meelmariyey...

Puntland oo DFS ku eedeysay weerar iyo afduub ay u geysteen xildhibaanada

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya weerar ku...

Wasiiro ka tirsan DFS oo iscasilay, maxay tahay sababta?

Wasiiru-dowlihii shaqada & arrimaha bulshada xildhibaan Caynaanshe Yuusuf Xuseen...

Booliska Soomaaliya oo xabsiga dhigay lataliyaha arrimaha bulshada ee Deni

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay xabsiga dhigeen...

Sacudi Carabiya oo qabatay laba gantaal oo nooca cruise-ka ah

Wasaaradda Gaashaandhigga Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay qabatay laba...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles