Xamas oo sheegtay inay diyaar u tahay sii deynta maxaabiista Israa’iil

Xamas ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil; kuwa nool iyo meydadka kuwa dhintayba, iyagoo uga gol leh joojinta duullaanka Israa’iil ee Qasa iyo in ciidamadeeda si buuxda uga baxaan dhulkaas, sida ku xusan qorshaha is-weydaarsiga ee uu soo jeediyay Donald Trump.

War-saxaafadeed lagu baahiyay barta Telegram-ka ayay kooxdu ku sheegtay inay diyaar u tahay inay isla markiiba wadahadallo la gasho dhexdhexaadiyaasha caalamiga ah si faahfaahinta heshiiskaas loo dhamaystiro.

Xamas waxay sidoo kale muujisay maan-furnaanta inay ogol yihiin in maamulka Qasa lagu wareejiyo guddi madaxbannaan oo ka kooban farsamo-yaqaano Falastiiniyiin ah, iyadoo arrintan ku tilmaantay talaabo lagu hubinayo heshiis qaran iyo taageeradda dowladaha Carabta iyo Islaamka.

Arrimaha ballaaran ee ku jira soo jeedinta Trump, sida mustaqbalka Qasa iyo xuquuqda dadka Falastiiniyiinta ah, ayay Xamas waxay sheegtay in go’aankooda lagu saleeyo mowqif qaran oo mideysan, laguna miisaamo shuruucda caalamiga ah iyo qaraarada Qaramada Midoobay.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles