MW Xasan Sheekh “Amniga Muqdisho in uu hagaago iskama imaan ee dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhigooda u huray,”

Madaxweymaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka, tanaasulka dowladda ee tabashooyinka mucaaradka, nidaaminta dhulka danta guud iyo dhacdooyinkii amni-darro ee Caasimadda ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka hadlay Amniga caasimadda oo dowladda si weyn u sugtay “Amniga Muqdisho in uu hagaago iskama imaan ee dad badan oo Soomaaliyeed ayaa dhigooda u huray, waxaana codsanayaa in aan noola celin meeshii laga yimid.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan isagoo shacabka kula dardaarmay in ay ilaashadaan Amniga iyo horumarka caasimadda.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay weerarkii lagu qaaday saldhiga degmada Warta-nabada, isagoo sheegay in maxkamad sugayaal yihiin shaqsiyaad ku xadgudbay muwaadiniinta Soomaliyeed,madaxweynaha ayaa xusay in hubka waaweyn cidna laga ogolayn in ay magaalada la dhex marto “Aniga oo ah Madaxweynihii JFS ayaa iska reebay gaadiidka hubka culus saaran yihiin, waana mamnuuc in Muqdisho hub culus lagu dhexmaro iyadoo lagu xaragoonayo.”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles