Wafdi hor dhac u ah MW Xasan Sheekh oo ku wajahan Kismaayo iyo DFS oo go’aano ka laabanaysa

Waxaa la filayaa in maanta wafdi horudhac u ah Madaxweynaha dowladda  Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ay gaaraan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wafdigan oo ka kooban saraakiil amni iyo xubno ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha, ayaa u gogol xaari doona soo dhoweynta Madaxweynaha iyo kulamo heer sare ah oo lagu wado in halkaasi ka dhacaan.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland, gaar ahaan arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo dib u eegista dastuurka.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ay kulankooda ku soo qaadi doonaan arrimo siyaasadeed oo muddooyinkii dambe xiisad ka dhalisay xiriirka labada dhinac.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in  dowladda federaalka ay qorsheyneyso in ay dib uga laabato qaar ka mid ah go’aamadii hore ee ay ka qaadatay Jubbaland, si loo abuuro jawi wadatashi iyo xasilooni siyaasadeed.

Kulankan la filayo in uu dhaco maalmaha soo socda ayaa si weyn looga dhursugayaa, maadaama uu noqon karo mid furaha u ah dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta wadashaqeynta dowladda iyo Jubbaland.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles