Ciidanka DFS iyo kuw Uganda oo Dagaal kula wareegay degmada Awdheegle

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee qeybta ka ah hawlgalka ATMIS (Uganda) ay si rasmi ah ula wareegeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Sheekh Abuukar Maxamed ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay la wareegeen degmada oo ay hadda gacanta ku hayaan.

Degmada Awdheegle ayaa ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo qayb ka ah “Duufaanta Aamusan” ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidamada is garabsanaya ayaa hore u xoreeyay deegaanno dhowr ah oo hoos taga Awdheegle, taas oo fududeysay in maanta si toos ah gudaha magaalada loo galo.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in ciidamada ay haatan wadaan howlgal ballaaran oo miino baaris ah, maadaama Khawaarijta ay gudaha magaalada ka qoteen godad waaweyn oo ay u adeegsadeen difaac iyo qaraxyo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayeen in ay shacabka ka hor istaagaan in ay magaalada ka baxaan, hase yeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay si taxaddar leh u fuliyeen hawlgalkooda iyaga oo ilaalinaya badqabka dadka rayidka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka xoreynta uu sii socon doono ilaa laga saarayo dhammaan meelaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 24 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxkamadda Sare oo laashay Natiijadii doorashada Galmudug iyo amartayna in dib loogu Celiyo

Maxkamadda Sare ee Federaalka ayaa maanta xukun ka soo...

Puntland oo digniin Culus ka soo saartay Lacagaha Madax-furashada ee Burcad-badeedda

Maamulka Puntland ayaa digniin ka soo saaray bixinta lacagaha...

Dowladda Soomaaliya oo ciidamo hor leh geyaay Baydhaba

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska...

Trump oo Fariin u diray Canada

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Kanada ay...

R/Wasaaraha UK oo safarkiisii ugu horreeyey ee dibadda ah u baxaya

R.a’iisul Wasaaraha UK Andy Burnham ayaa Isniinta booqanaya Kyiv,...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles