Ciidanka DFS iyo kuw Uganda oo Dagaal kula wareegay degmada Awdheegle

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee qeybta ka ah hawlgalka ATMIS (Uganda) ay si rasmi ah ula wareegeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo laga xorreeyay kooxda Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Sheekh Abuukar Maxamed ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay la wareegeen degmada oo ay hadda gacanta ku hayaan.

Degmada Awdheegle ayaa ka mid ah degmooyinka muhiimka ah ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo qayb ka ah “Duufaanta Aamusan” ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Ciidamada is garabsanaya ayaa hore u xoreeyay deegaanno dhowr ah oo hoos taga Awdheegle, taas oo fududeysay in maanta si toos ah gudaha magaalada loo galo.

Wararka ka imaanaya halkaasi ayaa sheegaya in ciidamada ay haatan wadaan howlgal ballaaran oo miino baaris ah, maadaama Khawaarijta ay gudaha magaalada ka qoteen godad waaweyn oo ay u adeegsadeen difaac iyo qaraxyo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay isku dayeen in ay shacabka ka hor istaagaan in ay magaalada ka baxaan, hase yeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay si taxaddar leh u fuliyeen hawlgalkooda iyaga oo ilaalinaya badqabka dadka rayidka ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in howlgalka xoreynta uu sii socon doono ilaa laga saarayo dhammaan meelaha ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles