RW Xamsa oo daah-furay furista 52 waddo oo Muqdisho ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay qorshaha dib loogu furayo waddooyinka xiran ee caasimadda, oo gaaraya 52 waddo, kuwaas oo 15-kii sano ee la soo dhaafay u xirnaa sababo amni.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay qorshaha furitaanka waddooyinka caasimadda in uu ku yimid isbeddel iyo horumar muuqda oo laga sameeyey amniga caasimadda, taas oo keentay in laga maarmo xirnaanshaha waddooyinka.

“Duruuf adag ayaa keentay 15kii sano ee la soo dhaafay in la xiro waddooyinka caasimadda, mushkiladda dhabta ah laguma xallin karo jid la xiro ee waa in lala dagaallamo argagixisada oo la iska dhiciyo, maadaama aysan ahayn bahallo jid gooyo ku istaagaya”.

Mudane Xamsa, ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay dadaal badan galisay sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda, iyada oo la sameeyey shuruucdii ilaalinaysay, kana hortagaysay wax walba oo khatar ku ah, sida hubka waaweyn iyo wax walba oo horseedaya amni darro.

Ra’iisul Wasaaraha, oo u mahadceliyey guud ahaan hey’adaha amniga, maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka ku dhaqan caasimadda Muqdisho, ayaa xusay in amnigu uu yahay mas’uuliyad wadareed ay tahay in cid walba ay doorkeeda ka qaadato sidii loo xaqiijin lahaa.

WARARKII KALE

Turkiga oo ka digay weerar kale oo lagu qaado Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa sheegay in...

Farmaajo oo yimid iyo Wada-hadallo u bilaabanaya DF iyo Mucaaradka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta...

DF oo guluf ciidan ka bilowday gobolka Bakool

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal...

Zelenskyy oo Ruushka ku eedeeyay inuu adeegsaday gantaallada kala firdha

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa Ruushka ku eedeeyay inuu...

Taliyaha ciidamada milatariga Israel oo ka digay in la weeraro Iran

Telefishinka Channel 13 ee Israa’iil ayaa sheegay in taliyaha...

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles