Wednesday, February 11, 2026

DFS oo sheegtay in Al-shabaab badan lagu dilay deegaanka Wargaadhi

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howgal qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay afartan xubnood oo ka tirsanaa al-Shabaab.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howgalku uu dhacay kadib markii al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Wargaadhi, iyadoo sida bayaanka lagu xusay ay ka hortageen ciidamada qalabka sida iyo kuwa dadka deegaanka.

Intaas waxaa lagu daray in deegaannadaas xaaladoodu ay hadda degantahay isla markaana ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Qoraalka ayaa lagu sheegay

In ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgalo qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Wargaadhi iyo Labigoley ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalka ayaa yimid kadib markii Khawaarijta ay isku dayeen weerar naf la caari ah oo ay ku qaadeen deegaanka Wargaadhi.

Ciidanka Qalabka Sida iyo geesiyaasha deegaanka oo heegan buuxa ku jiray ayaa si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas, waxaana halkaasi lagu gaarsiiyay cadowga khasaare xooggan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 22 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Dhinaca kale, Ciidanka Qalabka Sida ayaa fuliyay hawlgal ka dhacay deegaanka Labi Gooleey, oo qiyaastii 13 km u jirta Wargaadhi dhanka Waqooyi Galbeed.

Khawaarijta ayaa isku dayay in halkaasi ay dib isugu abaabulaan, balse ciidanku waxay ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 10 02 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Deni oo isagoo wata ciidamo cusub ka soo degay Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta...

Axmed Madoobe oo ka soo degay Muqdisho, isagoo wata ciidan hubeysan

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa...

NISA oo xog ka bixisay Maxamed Sahal Iidle horjooge sare AS ee la dilay

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Diyaarad ku dhacday garoonka Muqdisho

Diyaarad kuwa rayidka ah ayaa waxaa ay ku dhacday...

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku fulisay laba nin oo lagu helay dilka afar muwaadin

Waxaa dil toogasho lagu fuliyay Cabdi Cabdulqaadir Maxamed (oo...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles