Lafta gareen oo markale loo doortay MW KGS iyo weerar uu ku qaaday Xasan Sheekh

Doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo oo ay sameeyeen maamulka Koonfur Galbeed, ayaa mar kale loogu doortay Cabdicasiis Laftagreen inuu noqdo madaxweynaha Maamulkaasi.

Khudbad uu jeediyay ayuu kula hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh: ”Madaxweynoow lacag aan bixiyay dad Soomaaliyeed ha uleyn, lacagta aad leedahay doorashadaan ku bixiyay, adigu maadan lahayn markii lagu dooranayay hal shilin maadan wadanin,” ayuu yiri.

“Xassan Sheikh lacagta aad sheegayso adiga ma lihid, maalintii lagu doortay shiling ma aadan haysan, Soomaali baa lahayd, Isku day baad sameysay doorasho waadse la daahday, Lacagta aad noo dilayso cadadkeeda sheeg Soomaali baa naga bixinaysee, Anaga Jubbaland hal mid ayaan nahay hal doorasho ayaana qabsanay midna waa diidi midna waa ka dagaalami ma aqaan caqligaas” MW Koonfur Galbeed.

“Madaxweynow miyirso Rati Layli ah maahid, nin weyn baad tahay Soomaali u tur, waxaad qaxisho, waxaad handado, waxaad baado haka dhigin”

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamulka Koofur Galbeed ay muddooyinkii dambe xurguf dhex taallay ayaan ansixin doorashadan.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles