War kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidanka hay’adda oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay howlgal qorsheysan oo muhiim ah ka fuliyeen deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.
Howlgalkaas oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday xarun ciidan oo ay Khawaarijtu ku diyaarinayeen maleeshiyaad, ayaa lagu dilay 12 xubnood oo katirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare, halka 13 kale ay dhaawacyo culus soo gaareen.
Sida lagu sheegay bayaanka NISA, xarunta la beegsaday ayaa ahayd goob ay Khawaarijtu ka wadeen tababar iyo diyaarin ciidan oo ku wajahan weerarro ay damacsanaayeen, iyadoo la sheegay in halkaas lagu diyaarinayay in ka badan 400 maleeshiyaad ah.
“Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaalka joogtada ah ee lagu baacsanayo Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay qorshe argagixiso oo Khatar ku ahaa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Hay’addu waxay intaa ku dartay in hadda la sii wadaayo raadraaca xubnihii ka badbaaday beegsiga, kuwaas oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur, iyadoo ciidamada amniga ay wadaan howlgallo lagu sifeynayo guud ahaan aaggaas.