Wednesday, March 4, 2026

DFS oo sheegtay in duqeyn lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab iyo xarun la burburiyay

War kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in ciidanka hay’adda oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay howlgal qorsheysan oo muhiim ah ka fuliyeen deegaanka Ceel-dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-lahelay iyo Ceel-garas ee gobolka Galguduud.

Howlgalkaas oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday xarun ciidan oo ay Khawaarijtu ku diyaarinayeen maleeshiyaad, ayaa lagu dilay 12 xubnood oo katirsan Khawaarijta, oo ay ku jiraan horjoogayaal sare, halka 13 kale ay dhaawacyo culus soo gaareen.

Sida lagu sheegay bayaanka NISA, xarunta la beegsaday ayaa ahayd goob ay Khawaarijtu ka wadeen tababar iyo diyaarin ciidan oo ku wajahan weerarro ay damacsanaayeen, iyadoo la sheegay in halkaas lagu diyaarinayay in ka badan 400 maleeshiyaad ah.

“Howlgalkan wuxuu qeyb ka yahay dadaalka joogtada ah ee lagu baacsanayo Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay qorshe argagixiso oo Khatar ku ahaa shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Hay’addu waxay intaa ku dartay in hadda la sii wadaayo raadraaca xubnihii ka badbaaday beegsiga, kuwaas oo u firxaday dhanka degmada Ceelbuur, iyadoo ciidamada amniga ay wadaan howlgallo lagu sifeynayo guud ahaan aaggaas.

WARARKII KALE

RW Ku-xigeenka XFS oo Kulan Miro-Dhal ah Layeeshay Duqda Muqdisho

Raysal Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax...

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles