Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa war rasmi ah kasoo saaray dagaal culus oo ay la galeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Daynuunaay ee duleedka Baydhabo.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Daynuunaay, oo ah marin istaraatiiji ah oo isku xira wadada Baydhabo iyo Muqdisho.
Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in dagaalkaas lagu dilay 21 ka tirsan Al-Shabaab, halka 10 kale lagu dhaawacay, kadib howlgal qorsheysan oo ciidamada ay ka fuliyeen aaggaas.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa xustay in guushan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga guud ee dalka, gaar ahaan furitaanka waddooyinka muhiimka ah ee isku xira gobollada dalka.
Xaaladda deegaanka ayaa la sheegay inay haatan degan tahay, iyadoo ciidamada ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolkaas.


