Hay’adda NISA oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Liiska horjoogeyaasha oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay howlgalladii ay fuliyeen Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamka 10-kii bilood ee la soo dhaafay.

Muddo toban bilood ah oo la soo dhaafay, Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, waxay fuliyeen howlgallo qorshaysan oo lagu beegsanayay horjoogeyaasha iyo xubnaha muhiimka ah ee kooxda Khawaarijta.

Howlgalladan oo isugu jiray duqeymo iyo weerarro dhulka ah ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray burburinta hoggaanka sare, xarumaha istaraatiijiga ah, iyo shabakadaha dhaqaale ee kooxda.

Natiijada howlgaladan, waxaa lagu dilay tiro horjoogeyaal sare ah oo door muhiim ah ku lahaa abaabulka weerarrada, qorsheynta falalka argagixiso, iyo marin-habaabinta dhalinyarada. Dilka hoggaamiyeyaashan ayaa si weyn u wiiqay awooddii kooxda, isla markaana hoos u dhigay awooddooda abaabul iyo fulin.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 21 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Markab shidaal oo marayay Hormuz ayaa la weeraray

Ururka arrimaha badaha ee UK ee loo ayqaan UKMTO...

Fiqi oo la kulmay wafdi ka socda saraakiil Turkiga ah

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Puntland oo qabatay gaadiid iyo ciidan ka tirsan DF oo galay waqooyiga Gaalkacyo

Maamulka Puntland ayaa saaka kantaroolka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo...

KGS oo mamnuucay soo gelinta iyo ka ganacsiga qaadka sharci-darrada ah ee Baydhabo

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray go’aan lagu mamnuucayo...

Maamulka Puntland oo bilaabay laba howlgal oo ka socda buuraha Calmadow iyo xeebaha

Maamulka Puntland ayaa bilaabay laba howlgal oo dhinacyada dhulka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles