Beesha Caalamka oo war ka soo saaray xiisada ka taagan KGS

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa bilaabay dadaallo xooggan oo lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaanada Koonfur Galbeed, taas oo u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dadaalladan waxaa hormuud u ah Qaramada Midoobay (UNSOM), oo ah xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku muujiyeen walaac xooggan oo laga qabo xiisadaha sii kordhaya ee ka jira gobolka.

Qoraalka UNSOM ayaa lagu sheegay in xaaladda taagan ay khatar ku tahay xasilloonida guud ee dalka, amniga bulshada, midnimada qaranka, iyo sidoo kale xaaladda bini’aadantinimo.

“Waxaan ka walaacsanahay saameynta ay xiisadaha sii kordhaya ku yeelan karaan xasilloonida, amniga, midnimada iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya. Waxaan ku baaqaynaa in la isugu yimaado wadahadal miro-dhal ah, lagana fogaado tallaabo kasta oo keeni karta iska horimaad hubaysan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Beesha Caalamka ayaa si gaar ah u adkaysay muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda iyo wada noolaanshaha, iyadoo dhinacyada ku lugta leh lagu booriyay inay muujiyaan masuuliyad siyaasadeed iyo dulqaad. Waxa kale oo lagu dhiirrigeliyay in khilaafaadka jira lagu xalliyo hannaan dastuuri ah iyo wada-xaajood.

Dadaalladan diblomaasiyadeed ayaa kusoo aadaya xilli ay jirto cabsi sii kordheysa oo laga qabo in xiisadda siyaasadeed ay isu beddesho isku dhacyo hubeysan, taas oo halis gelin karta horumarka laga sameeyay dhinacyada nabadda iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Indhaha ayaa hadda ku wajahan sida ay dhinacyadu uga jawaabaan baaqyada Beesha Caalamka iyo in la heli karo xal siyaasadeed oo ka hortaga colaad hor leh.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles