Wednesday, August 12, 2026

DFS oo sheegtay in maleeshiyaad ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay Sh/Hoose

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tawakal ee Gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay toddobo maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, halka horjoogeyaal ka tirsan kooxda lagu dhaawacay.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Taliska NISA, howlgalka ayaa lagu beegsaday xarun ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Tawakal, kaddib markii hay’addu heshay xog sirdoon oo lagu xaqiijiyay in halkaasi ay ku sugnaayeen horjoogeyaal muhiim u ahaa kooxda.

Bartilmaameedka ayaa ahaa goob gudaha ah oo ay horjoogeyaasha Al-Shabaab si gaar ah ugu kulmi jireen, waxaana la beegsaday xilli ay halkaasi ku sugnaayeen.

NISA ayaa sheegtay in horjoogeyaasha goobta ku sugnaa ay ka mid ahaayeen Yoonis Macalim Abuukar, oo qaabilsanaa deegaanka Mushaani; Abuu Xaaji Fareey, oo ahaa horjoogaha maleeshiyaadka Al-Shabaab ee deegaanka Tawakal; Ayaatullaahi, oo ahaa horjoogaha Jabhadda Gobolka Shabeellaha Hoose; iyo Cabdifitaax Rooble, oo ahaa horjoogihii Baadda ee deegaanka Baladul-Amiin.

Xogta hordhaca ah ayaa xaqiijisay in Yoonis Macalim Abuukar iyo Cabdifitaax Rooble ay dhaawacyo culus ka soo gaareen howlgalka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab, laguna burburinayo xarumaha iyo goobaha ay maleeshiyaadku u adeegsadaan abaabulka iyo qorsheynta falalka amni-darrada.

NISA ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgalada qorsheysan ee lagu bartilmaameedsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo hoggaankooda, iyadoo adeegsanaysa xogta sirdoonka iyo iskaashiga saaxiibada caalamka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqeyn lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugidda...

Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed oo muhiim ah ka wada Nairobi

Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa kulan...

DF oo cambaareysay aqoonsiga Kolombiya ee Madax banaanida Israel ee Buuraha Golan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay...

Maamulka KGS oo Guddoomiyaha Baydhabo u Magacaabay Ibraahim Kalaay oo Laftagareen ka soo goostay

Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay, oo dhowaan ka soo goostay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles