Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xaaladda Iran ay “si wanaagsan u socoto”, isaga oo ku andacooday in ciidamada Mareykanku ay si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta Marin-biyoodka Hormuz.
Trump oo wariyeyaasha kula hadlay Joint Base Andrews ayaa sheegay in ciidamada badda Mareykanka ay si buuxda u maamulayaan marin-biyoodka muhiimka ah, isagoo ammaanay awoodda ciidamada badda ee dalkiisa.
“Waxaan si buuxda u maamulnaa Marin-biyoodka Hormuz. Annaga ayaa gacanta ku hayna, cid kale ma hayso,” ayuu yiri Trump.
Trump ayaa sidoo kale sheegay inuusan ku kalsoonayn dowladda Iran, isagoo ku eedeeyay inay marar badan been u sheegtay.
“Anigu ma aamini karo Iran. Waxaan ahay qofka ugu dambeeya ee Iran aamini kara; si joogto ah ayay been ii sheegaan,” ayuu yiri.
Hadalka Trump ayaa imanaya xilli Marin-biyoodka Hormuz uu yahay marin muhiim u ah isu-socodka shidaalka caalamka, waxaana xaaladda u dhexeysa Mareykanka iyo Iran si dhow ula socda suuqyada tamarta iyo dowladaha gobolka.


