Wednesday, August 12, 2026

Shiinaha oo Maraakiib Dagaal Cusub u Diraya Gacanka Cadmeed iyo Biyaha Soomaaliya

Shiinaha ayaa bartamaha bisha Agoosto u diraya Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya koox cusub oo maraakiib dagaal ah, kuwaas oo ka qayb qaadan doona howlaha ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo sugidda amniga marin-biyoodka caalamiga ah.

Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Shiinaha ayaa sheegtay in howlgalkan uu noqonayo markii 49-aad ee Beijing ay ciidan badeed u dirto gobolka, iyadoo kooxda cusub ay beddeli doonto cutubkii 48-aad ee howlgalkan oo Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ku sugnaa tan iyo bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

Kooxda cusub ayaa ka kooban saddex markab oo ay kala yihiin markabka dagaalka ee gantaallada riddada dheer Kunming, markabka dagaalka Yueyang, iyo markabka sahayda iyo taageerada Luomahu.

Wasaaradda Difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in ciidamada badda ee dalkaasi ay diiradda saari doonaan ilaalinta amniga marin-biyoodka caalamiga ah, xoojinta xasilloonida gobolka iyo iskaashiga dhinaca amniga badda.

Shiinaha ayaa tan iyo sanadkii 2008 si joogto ah maraakiib dagaal uga howlgeliya Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, iyadoo Beijing ay sheegtay in hawlgalladaasi ay ku saleysan yihiin qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sida ay sheegtay dowladda Shiinaha, maraakiibteeda ayaa muddadaas galbiyay in ka badan 7,000 oo markab oo Shiine iyo shisheeye ah, sidoo kalena gargaar iyo samatabbixin u fidiyay maraakiib ku jiray xaalado halis ah.

Maraakiibta Shiinaha ayaa sidoo kale door ka qaatay daadgureynta muwaadiniin Shiine ah iyo dad ajaanib ah oo laga soo saaray dalal ay ka jireen dagaallo iyo colaado hubeysan.

Tallaabadan cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya ay weli muhiim u yihiin isu-socodka ganacsiga caalamiga ah, iyadoo amniga maraakiibta ganacsiga uu yahay arrin si weyn looga walaacsan yahay gobolka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 08 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Duqeyn lala beegsaday guri ay ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Nabad Sugidda...

Axmed Madoobe oo kulamo siyaasadeed oo muhiim ah ka wada Nairobi

Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayaa kulan...

DF oo cambaareysay aqoonsiga Kolombiya ee Madax banaanida Israel ee Buuraha Golan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka...

RW Xamsa oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa qaabilay...

Maamulka KGS oo Guddoomiyaha Baydhabo u Magacaabay Ibraahim Kalaay oo Laftagareen ka soo goostay

Ibraahim Maxamed Nuur Kalaay, oo dhowaan ka soo goostay...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles