MSF oo Digniin Culus ka Soo Saaray Gaajada Hay’adda Dhakhaatiirta Aan Xuduudda Lahayn (MSF) ayaa ka digtay in xaaladda nafaqo-darrada Soomaaliya ay si weyn uga sii darayso, iyadoo maalgelinta wax looga qabanayo nafaqo-darrada ba’an ay sanadkan hoos u dhacday in ka badan 80 boqolkiiba.
MSF ayaa sheegtay in xaaladda ugu daran laga dareemayo dadka ku nool xeryaha barakacayaasha ee Baydhabo, halkaas oo baaritaan lagu sameeyay lagu ogaaday in mid ka mid ah afartii carruur ah uu qabo nafaqo-darro ba’an.
Sahan ay MSF bishii July ka sameysay 888 qoys oo ku nool 14 goobood oo barakacayaal ah oo Baydhabo ah ayaa sidoo kale lagu ogaaday in saddex-meelood meel qoysaska ay ku nool yihiin hal waqti oo cunto ah maalintii, halka 2 boqolkiiba oo keliya ay awoodaan inay helaan saddex waqti oo cunto ah.
La-taliyaha caafimaadka MSF, Mitchell Sangma, ayaa sheegay in hay’addu sanadkan qaabishay 22,000 xaaladood oo nafaqo-darro ah, taas oo ka badan 80 boqolkiiba tiradii sanadkii hore.
Sangma wuxuu sheegay in Maraykanku uu sanadkan joojiyay maalgelintii uu siin jiray hay’adaha gargaarka Soomaaliya, iyadoo taageeradii Mareykanka sanadkii hore ahayd qiyaastii 70 milyan oo dollar. Dalal kale oo reer Galbeed ah ayaa sidoo kale dhimay taageeradii ay siin jireen howlaha bani’aadannimo.
MSF waxay sheegtay in Soomaaliya sanadkan heli karto ku dhawaad 300 milyan oo dollar oo gargaar ah, marka loo eego 2.2 bilyan oo dollar oo la bixiyay 2022-kii xilligii abaartii ba’nayd.
Hay’addu waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah u kordhiso taageerada bani’aadannimo, iyadoo ka digtay in aan la sugin in macaluul si rasmi ah loo shaaciyo ka hor inta aan tallaabo la qaadin.
MSF waxay ku adkaysatay in tallaabo degdeg ah loo baahan yahay si looga hortago in xaaladda Soomaaliya ay gaarto heerkii musiibadii nafaqo iyo gaajo ee dalka ka dhacday sannadihii hore.


