Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarka Israa’iil ay ku qaaday Daka Qatar.
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falalka argagixisada ee ay maamulka Israa’iil ku qaaday deganaanshaha Doha, kuwaas oo ku xadgudbay madaxbannaanida iyo qaranimada dalka walaalaha ah ee Qatar, isla markaana bartilmaameedsaday shacabka aan waxba galabsan.
Soomaaliya waxay ka walaacsan tahay in falalkan ay si cad u xadgudbayaan sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar ku yihiin amniga gobolka iyo kan caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu qaado mas’uuliyaddiisa, isla markaana tallaabo degdeg ah ka qaado falalkan soo noqnoqda si loo xaqiijiyo ilaalinta shacabka iyo hantida caalamiga ah.
Soomaaliya waxay ku garab taagan tahay dowladda Qatar iyo shacabka ku nool, waxayna diiddaa qaab kasta oo gardarro ah.