Tuesday, March 3, 2026

DFS oo si kulul u cambaareysey weerarka Israel ka geystay Qatar

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa waxaa lagu cambaareeyay weerarka Israa’iil ay ku qaaday Daka Qatar.

Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falalka argagixisada ee ay maamulka Israa’iil ku qaaday deganaanshaha Doha, kuwaas oo ku xadgudbay madaxbannaanida iyo qaranimada dalka walaalaha ah ee Qatar, isla markaana bartilmaameedsaday shacabka aan waxba galabsan.

Soomaaliya waxay ka walaacsan tahay in falalkan ay si cad u xadgudbayaan sharciga caalamiga ah, isla markaana khatar ku yihiin amniga gobolka iyo kan caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya waxay ugu baaqeysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu qaado mas’uuliyaddiisa, isla markaana tallaabo degdeg ah ka qaado falalkan soo noqnoqda si loo xaqiijiyo ilaalinta shacabka iyo hantida caalamiga ah.

Soomaaliya waxay ku garab taagan tahay dowladda Qatar iyo shacabka ku nool, waxayna diiddaa qaab kasta oo gardarro ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 03 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Maxay ka wadahadleen Farmaajo iyo Safiirka Turkiga?

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa kulan...

Shiinaha oo war ka soo saaray markab kalluumeysi oo lagu afduubtay Puntland

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in markab kalluumeysi oo laga...

Khilaaf Siyaasadeed oo Hareeyay Ansixinta Dastuurka

Khilaaf xooggan oo siyaasadeed ayaa ka taagan meelmarinta wax...

Puntland oo shir wadatashi ah la yeelatay xildhibaanada ku matala Federaalka

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddoomiyey shirka wadatashiga ah...

Horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles