Tuesday, March 3, 2026

DFS oo war ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Ceeldheer

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay weerarkii saaka ay Al-Shabaab ku qaaday degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud.

Waxay sheegtay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka hor tageen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaaladaas.

“Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga, iyagoo dilay in ka badan 30 xubnood oo Khawaarij ah. Sidoo kale, gacanta ayaa lagu soo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalka.

Iyadoo laga hadlayay khasaarahana waxay yiraahdeen:

“Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka”.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta, si loo ciribtiro haraadiga ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceel-Dheer, ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 02 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo wadahadal la yeeshay Amiirka Qatar iyo Boqorka Urdun

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay James Swan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed...

Howlgal ka dhacay G/Sh/Hoose oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsanaa Al-shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Ciidanka Midowga Afrika...

Dagaalka Bariga Dhexe oo sii xoogeystay maalintii 3-aad

Dagaalka u dhexeeya United States, Israel iyo Iran ayaa...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo cambaareeyay go’aankii lagu celiyay xildhibaanno u safrayay

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay go’aankii...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles