DFS oo war ka soo saartay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Wargaadhi

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in deegaanka Wargaadhi ay gacanta ku hayaan ciidamada xoogga, islamarkaana ay ka hortageen weerarkii AS ay ku qaaday Deegaankaasi.

Wasaarada Gaadhaandhiga Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegay in dagaalka lagu dilay horjoogihii hoggaaminayay dagaalka iyo maleeshiyaad kale, inkastoo tirada ay sheegin.

WAR-SAXAAFADEED

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka difaaca iyo ka-hortagga ah ayaa lagu dilay horjoogihii hoggaaminayay maleeshiyaadka weerarka soo qaaday, iyadoo sidoo kale la gaarsiiyey jab culus oo dhimasho iyo firxadba leh maleeshiyaadkii la socday. Ciidamada Qaranka ayaa hadda baacsanaya firxadka Khawaarijta, si loo ciribtiro hadhaadigii baxsaday.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu xaqiijinayaa in amniga deegaanka Wargaadhi si buuxda gacanta ugu jiro ciidamada, isla markaana uusan jirin wax khatar amni ah oo hadda taagan.

Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkeynayaan ballanqaadka go’an ee ciribtirka Khawaarijta, iyagoo uga digaya in fal kasta oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan amniga shacabka lagu wajihi doono jawaab adag oo degdeg ah.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles