Friday, March 13, 2026

Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ka dhan ah Deni oo ka bilowday Boosaaso

Kulamo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka billowday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Gobolka Bari.

Dhaqdhaqaaqan siyaasadeed ayaa waxaa wada siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda hab-maamulka Puntland, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maxamuud Mashruuc, Faarax Cali Shire iyo xubno kale. Siyaasiyiintan ayaa dhaliilaya nidaamka uu Madaxweyne Deni ku hoggaaminayo Puntland, iyagoo ku eedeynaya inuu ka gaabiyay arrimo la xiriira maamulka, amniga iyo horumarka.

Siyaasiyiinta ku sugan Boosaaso ayaa sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay in ay u kuurgalaan xaaladda nololeed iyo tan amni ee ka jirta Puntland, isla markaana ay la tashiyo ballaaran la yeeshaan bulshada deegaanka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Madaxweyne Saciid Deni inuusan aaminsaneyn qaranimada Soomaaliya, isla markaana uu caqabad ku yahay dadaallada lagu difaacayo midnimada iyo wadajirka dalka.

Wararka ayaa tilmaamaya in magaalada Boosaaso maalmaha soo socda lagu wado in lagu qabto shir ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweyne Deni, kaas oo lagu gorfeeyn doono xaaladda siyaasadeed ee Puntland iyo mustaqbalka maamulka.

Dhaqdhaqaaqyadan siyaasadeed ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeeshaan xasilloonida siyaasadeed ee Puntland, isla markaana ay sii kordhiyaan khilaafaadka u dhexeeya hoggaanka maamulka iyo mucaaradka, taas oo laga cabsi qabo inay wiiqdo amniga, horumarka iyo wada-shaqeynta Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 12 03 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Israa’iil oo saldhig ciidan ka dhisaysa meel u dhow Berbera

Warbixin uu qoray wargeyska Bloomberg ayaa sheegay in Israel...

Booliska Buurtinle oo qabtay khamri, hub,gaadiid iyo Raggii watay

Ciidanka Booliska ee degmada Buurtinle ayaa hawlgal gaar ah...

Xasan Sheekh, Geelle iyo Abiy oo ku kulmay Jabuuti, maxay ka wadahadleen?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Djibouti kaga...

Farmaajo oo cambaareeyay xarigga loo geystay dhalinyarada bajaajta ee Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si...

Iran oo laga cabsi qabo inay weerarto gudaha Mareykanka

FBI-da ayaa uga digtay booliska gobolka California suura-galninada weeraro...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles