Maamulka Koofur galbeed ayaa hawada ka soo celisay diyaarad ay saarnaayeen wafdi hor u dhac u ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sooomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Koofur Galbeed uu gaadiid dagaal dhigay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo.
Garoonka diyaaradaha ee Baydhabo waxaa sidoo kale lagu gooyay gawaari tikniko ah oo kuwa ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ah si aysan garoonka uga soo degin diyaarado lafilayo inay Muqdisho ciidan kaqaadaan.
Dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan ayaa laga dareemayaa garoonka diyaaradaha iyadoona halkaas la geeyay boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Koonfur Galbeed.
Xiisadda u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Federaalka ayaa cirka iskusii shareertay iyadoo dowaldda federaalka ay maanta ciidamo geysay degmada Baraawe oo ka tirsan magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale maamulka Koofur galbeed ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay shaaciyeen guddiga doorashada ee maamulkaasi.


