Nicholas Haysom oo geeriyooday isagoo 73 sano jira

Waxaa magaalada New York ee dalka Maraykanka ku geeriyooday Nicholas Haysom, oo ahaa 73-sano jir, isagoo ahaa Ergeygii Gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay u qaabbilsanaa dalka Suudaanta Koonfureed.

Nicholas Haysom waxa uu xilal muhiim ah ka soo qabtay Qaramada Midoobay, isagoo soo noqday madaxa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ka hor inta aan loo magacaabin Suudaanta Koonfureed.

Sidoo kale, waxa uu door hoggaamineed ka qaatay geedi-socodka nabadda ee dalalka Burundi, Ciraaq, Afgaanistaan, iyo Suudaan.

Marxuumka ayaa door weyn ka soo qaatay isbeddelkii dimuqraadiyadeed ee dalka Koonfur Afrika, isagoo intii u dhaxeysay 1994-tii ilaa 1999-kii ahaa lataliyaha dhanka sharciga iyo dastuurka ee madaxweynihii hore ee Nelson Mandela.

Dowladda Soomaaliya ayaa 1-Janaayo Sanadkii 2019-kii ka ceyrisay Nicholas Haysom.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 14 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Liiska ururada ka qeybgalaya doorashada Galmudug oo la soo saaray

Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo saaray liiska ururada siyaasadeed...

JSP oo ku dhawaaqay in Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay Musharraxa Hoggaamiyaha Hirshabeelle

Kulanka Guddiga Fulinta ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP)...

Taliyaha Milatariga oo la kulamy taliyaha ciidanka gaar ah ee Africom

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

Golaha Shacabka oo Joojiyay Lacagtii $100-ka ahayd ee Xildhibaannada laga Jari Jiray

Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa go’aan ku...

Sacudi Carabiya ayaa joojisay dhuumaha shidaalka ee Badda Cas

Weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) lagu qaaday dhuumaha...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles