Donald Trump oo mar kale u digay Xamaas

Sida aan horey u tebinnay, kooxo ka socda Masar iyo hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa loo oggolaaday inay raadiyaan meydadka la haystayaashii la qafaashay intii lagu jiray weerarradii 7-dii Oktoobar, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Israa’iil.

Iyadoo ay howlahaas socdaan ayaa dhanka kale, madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kooxda Xamaas ugu digay inay si degdeg ah u bilaabaan soo celinta meydadka, haddii ay sidaas sameyn weydana ay dalalka kale ee ku lugta leh heshiiskii la gaaray tallaabo qaadi doonaan.

Af-hayeen u hadlay Israa’iil ayaa sheegay, in kooxda Masar loo oggolaaday inay la shaqeeyaan ICRC si ay u helaan meydadka, oo ay u isticmaali doonaan mashiinno dhulka lagu qodo iyo baabuurta nooca xamuulka si ay u baaraan meel ka baxsan “khadka jaalaha ah”.

” Qadka jaalaha ah “ayaa calaamad u ah soohdinta u dhexeysa waqooyiga, koonfurta iyo bariga Gaza ee ay Israa’iil ka baxday, taas oo qayb ka ah marxaladda koowaad ee heshiiska xabbad joojinta.

Ilaa hadda, Israa’iil ma aysan oggolaan gelitaanka kooxahaas ee gudaha Qaza..

Masar, oo ay weheliyaan Qadar iyo Turkiga, ayaa ah saxiixa muhiimka ah ee qorshaha nabadda ee Qaza ee uu gar-wadeenka ka ahaa Trump, kaas oo lagu saxiixay magaalada loo dalxiis tago ee Sharm el-Sheikh horaantii bishan.

ICRC ayaa si weyn ugu howlaneyd soo celinta maxaabiista.

Xigasho:-BBC

WARARKII KALE

Madaxweyne xasan sheekh oo hambalyo udiray Gudonka Cusub Ee golaha Wakiilada Hirshabelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Xukun ka soo baxay kiiska General-kii Booliska ee Gurigiisa lagu dilay

Dable Bol. Jamaal Xasan Cabdulle iyo Mustaf Xuseen Guure...

Liibaan Axmed Xasan oo loo doortay hoggaamiyaha Galmudug

Golaha Wakiillada maamulka Galmudug ayaa Liibaan Axmed Xasan u...

DF oo Maxkamadda Sare ka codsatay 15 maalmood oo dheeraad ah dacwadda Dastuurka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maxkamadda Sare ee dalka ka...

Ruushka oo weerar ku qaaday Ukraine

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles