Donald Trump oo sheegay in Israa’iil ay ku wareejin doonto Qaza Mareykanka,

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Israa’iil ay ku wareejin doonto Qaza Mareykanka, dadka halkaa degenaana meelo kale la dejin doono.

Waxa uu sidoo kale Madaxweynaha Maraykanka uu sheegay in aan loo baahnaan doonin ciidamo Maraykan ah inay tagaan magaalada Qaza maadaama ay Israa’iil u gacan gelineyso magaaladaas.

Trump, oo horey u diiday inuu meesha ka saaro in ciidamada Mareykanka la geeyo Gaza, ayaa qorshihiisa ku caddeeyay mareegta Internet-ka ee Truth Social.

“Marinka Qaza waxa ay Israa’iil ku wareejin doontaa Maraykanka marka uu dagaalka dhamaado,” ayuu yiri.

Falastiiniyiinta “waxaa marka hore la dejin lahaa beelo aad u ammaan badan oo qurux badan, oo leh guryo cusub oo casri ah, oo ku yaal gobolka.” “Ma jiro askar Maraykan ah oo loo baahan yahay!” ayuu sii raaciyay.

Warkan ayaa imaanaya maalin kadib markii cambaareyn caalami ah loo soo jeediyay Trump,kadib markii uu sheegay inuu la wareegayo Qaza.

Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in ciidamada ay diyaariyaan qorshe loogu ogolaanayo dadka degan Gaza inay si iskood ah uga baxaan.

“Waan soo dhawaynayaa qorshaha geesinimada leh ee madaxweyne Trump, dadka deggan Gaza waa in loo oggolaadaa in si xorriyad ay ku baxaan oo ay u haajiraan, sida caadada u ah adduunka,”

Katz ayaa ku yiri barta X.Katz waxa uu sheegay in qorshihiisa uu ku jiri doono inay dadka kala doortaan inay maraan dhulka iyo sidoo kale dhinaca badda iyo hawada.

Ku dhawaaqida lama filaanka ah ee Trump, taas oo caro ka kicisay bariga dhexe, ayaa timid iyadoo Israel iyo Xamaas la filayo inay bilaabaan wadahadal ku saabsan wareegga labaad ee qorshe xabbad-joojin ah si loo soo afjaro ku dhawaad 16 bilood oo dagaalka Gaza ka socday.

Sarkaal ka tirsan Xamaas Basem Naim ayaa ku eedeeyay Katz in uu isku dayayo in uu qariyo “dawlad ku guul dareysatey in ay gaarto mid ka mid ah ujeedooyinkeeda dagaalka Gaza”, waxa uuna sheegay in falastiiniyiintu ay aad ugu dhagan yihiin dhulkooda in ay waligood ka baxaan.

Barakaca Falastiiniyiinta ayaa ah mid ka mid ah arrimaha ugu xasaasisan ee Bariga Dhexe muddo tobanaan sano ah.

Barakicinta qasabka ah waa dembi dagaal, oo lagu mamnuucay xeerarkii Geneva 1949.

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 11 10 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

DFS oo war ka soo saartay xiisada ka taagan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA...

Himilo Qaran oo Xasan Sheekh uga digay weerar ka dhan ah xarumaha mucaaradka

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee...

Ciidamo cusub oo Tababar loogu soo xiray Galgaduud

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cumar...

Imaaraadka carabta oo lagu eedeeyay duqeyn dishay hal qoys ah oo shacab ah

Warbixin baaritaan ah oo ay daabacday warbaahinta Mareykanka ee...

Mareykanka oo ka digay halista Xuutiyiinta iyo qorshahooda Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles