Friday, January 30, 2026

Dowlada Soomaaliya oo dalka ka mamnuucdey Daawooyin halis ku ah Bulshada

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Xukuunadda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed Bulaale ayaa sheegay inay dalka mamnuuc ka tahay in la soo geliyo Daawooyinka loo isticmaalo daroogo ahaanta ee maanka dooriya.

Wasiirka ayaa uga digay dadka Soomaaliyeed ee ka ganacsada doowooyinkaas iney ka waan toobaan, isagoona ku hanjabay in talaabooyin adag ka qaadi doonto Xukuumada dadka Ganacsatada ah ee daawooyinka maanka dooriya dalka soo galiya.

“Waa mamnuuc in dalka la keeno Dawooyinka maandooriye ahaanta loo isticmaalo ee dhowrkii sano ee la soo dhaafay dad ganacsato ah dalka keenayeen, ha ogaadaan dadkaas in daawoyinkaas lagu qaban doono dekada iyo garoonka, waxaan leyahay ka waan tooba arintaas oo dhib ha u horseedina dadkiina” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Soomaaliya Maxamed Xasan Maxamed.

Wuxuu sidoo kale sheegay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya in Xukuumadda ay ka go’an tahay wax ka qabashada daawoyinka si guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed dalka u soo galiyaan ee bilaa tayada ah.

“Waan ognahay in daawoyin tayadooda yar tahay in dalka la keeno oo ganacsatada tagaan shirkadaha daawoyinka sameeya ee dibada ku yaala, waxaan diyaarinay habraac daawoyinkaas lagu saxayo oo lagu kontarolayo daawo kasta oo dalka soo gasha, Xukuumadda bishii janaayo ayay ansixisay hadana Baarlamaanka ayuu horyaala habraas, ayagana wan rajeyna iney meel marin doonaan” ayuu yiri Wasiir Maxamed Xasan.

Ugu dambeyntii hadalka Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ayaa kusoo aadaya, iyadoo Soomaaliya la sheego iney ka mid tahay dalalka ugu liita dhinaca caafimaadka, maadama aysan jirin Koontorool rasmi ah oo lagu sameeyo Dawooyinka la keenayo dalka oo ay soo sameystaan dad ganacsato.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 29 01 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Axmed Madoobe oo ka adkaaday Xasan Sheekh iyo Waaranka oo laga laabtay

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday...

Gen Odawaa oo xilka laga qaaday iyo taliye cusub oo la magacaabay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka ka...

Ciidamada DF oo gacanta ku dhigay Keyd Miinooyin ah oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Jabad Godane

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku dhigay keyd...

Mareykanka oo sheegay in Soomaaliya ay qaadatay mas’uuliyadda bakhaarkii la jabsaday, dibna u fasaxay gargaarka

Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dib u billowday gargaarkii...

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo MW Xasan Sheekh ugu digay in BF ku caddaadiyo meelmarinta Dastuurka

Goluhu wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles