KGS oo diiday in la daaweeyo dhaawacyada iyo amar la dhigay saraakiisha ciidamada

Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo rogtay amaro dheeraad ah oo lagu xanibay saraakiisha amniga in ay u socdaalan Muqdisho, iyagoo aan haysan ogolaansho maamul.

Warqad kasoo baxday Wasaarada Amniga ee maamulka Koonfur galbeed ayaa lagu amray in laga bilaabo maanta aysan Baydhabo uga bixi karin wax safar ah ilaa amar dambe inta laguguda jiro howlo Amniga lagu xaqiijinayo sida ay sheegtay wasaaradu.

Dhanka kale Maamulka Koofur Galbeed ayaa isbitaallada ka mamnuucay in ay daaweeyaan qof dhaawac ah iyada oo aan fasax laga helin maamulka, sidoo kalena waxa la xannibay socdaalka saraakiisha.

Talaabadan ayay Koonfur Galbeed kusifeysay in ay socdaan howlgalo amniga lagu xaqiijinayo, maalmo kahor sida aan tabinay DFS ayaa doonaysa in saraakiisha heer Federaal ee deeganadan kusugan in ay soo galaan Muqdisho.

Xariirka Laftagareen iyo Villa Somalia ayaa hadda dhaawacmay, iyadoo ay dawladdu doonayso in ay xakamayso gacan kuhaynya deegaanadan, balse madaxweynaha KG ayaa saacadaha soo socda kuwajahan Baydhabo, isagoo soo gaabshay safar Cumra oo uu ku tagay Makka.

Arrintan waxay timid xilli khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo KGS uu ka taagan yahay nooca doorashada.

Madaxweyne Laftagareen wuxuu wataa doorasho dadban, halka DFS ay rabto doorasho toos ah.

Labada dhinac ayaa ciidamo iyo abaabul siyaasadeed ka wada deegaannada, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafku sii xoogeysto.

 

WARARKII KALE

Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar 20 09 2026

Halkaan hoose ka Dhageyso Warka Habeenimo Ee Radiojowhar Warka...

Fiqi oo kulan la yeeshay saraakiil ciidan iyo Danjiraha Masar ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa...

Aadan Madoobe oo la shiray saraakiisha ciidamada Qeybta 60-aad

Hoggaamiyaha maamulka Koofur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe)...

Golaha Mustaqbalka oo Dalabyo Caalami ah u Gudbiyay Beesha Caalamka iyo Q.M

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xubnaha mucaaradka ah...

ICG oo digniin culus ka soo saartay kala guurka Amni ee ku soo socda Soomaaliya iyo halista AUSSOM

Warbixin cusub oo ay soo saartay International Crisis Group...

MW Xasan Sheekh oo Kulan la qaatay Cali Guudlaawe

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la...

NAGU SOO BIIR

16,000FansLike
523FollowersFollow
352SubscribersSubscribe

Latest Articles